WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  

Wasiirka Arrimaha Dibada ee DKMG Somalia, Yuusuf Ibraahin (Yusuf Dheeg) ayaa sheegay in wargeyska Youm7 ee wadanka Masaaridu uu ka sheegay hadal aanu odhanin. Yuusuf Dheeg oo la hadlayey idaacada & televishinka Itoobiya ayaa sheegay inuu wargayska u sheegay in dastuurka Itoobiya yahey mid xuquuq buuxda siinaya shacabka Ogaadeen, balse wargayska Youm7 si kale u qoreen hadalkaas.

Wasiirka ayaa intaasi ku darey inuu diblomaasi waaya arag ah, sidaasi darteedna aaney suurta gal ahayn inuu xumeeyo xidhiidh wanaagsan ee dawlada Somaliya la leedaya wadanka Itoobiya. Yuusuf Dheeg ayaa yidhi “ waan fahamsanahey dadaalka ay Itoobiya ku bixisay in xasilooni loo helo Soomaaliya”

Eegga.com