
Wafdigii nabad-doonka ee Ururka ONLF ayaa maanta gaadhay Magaalada Dhagax Buur ee xarunta u ah Gobolka Dhagax-Buur, waxaana halkaa ku soo dhaweeyay dad wayne kumanaan ah oo si farxad & rayn rayn leh ugu damaashaadayay.Wafdiga oo markii danbe kulan shacabka kula yeeshay barxada Wayn ee badhtamaha Magaalada dhagax Buur ayuu ka hadlay Hogaamiyaha  Wafdiga Nabad-doonka ee Ururka ONLF Mudane Maxamed Faarax Coloow (Dhag Jar).
Mudane Coloow waxaa uu mahadnaq u jeediyay dhamaan Shacabka Magaalada Dhagax-Buur isagoo ugu hambalyeeyay in maanta wadadii nabada la helay isla markaana ay u yimaadeen inay nabad waarta dhamaan Degaanka Soomaalida laga helo.
Sidoo kale, waxaa isna goobtaa ka hadlay madaxa Warbaahinta & saxaafada ee Ururka ONLF Mudane Cabdulaahi Ibraahin Biixi oo ka tirsanaa Ururka ONLF waxaana uu halkaa ka jeediyay khudbad caaqibo leh.
Sidoo kale, waxaa kulankaa ka hadlay Gudoomiyaha Gobolka Dhagax-Buur Mudane Badal Xiis & Gudoomiyaha Degmada Dhagax-Buur Mudane Maxamed cabdi Dhoodhe.
Eegga.com
Dhagaxbuur
