WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  

Waxaa maanta hoolka shirarka ee Xafiiska Haweenka ee Dawlad Degaanka Soomaalida lagu qabtay kulan loogaga wada hadlayay hanaanka adeeg bixinta ee Xafiisyada dawlad Degaanka Soomaalida. Kulankaas oo uu gudoominayay Madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida Mudane Cabdi Maxmuud Cumar waxaa ka soo qayb galay dhamaan madax xafiiseedyada, ku xigeenada, Komishinada, Maareeyaasha machadyada & dhamaan xubnaha guddiyada maaraynta ee xafiisyada Heer Degaan.

Shirkan oo ajandihiisu ahaa sidii looga midha dhalin lahaa qorshayaasha shaqo ee u yaalay xafiisyada, isla markaana ay daruuri noqotay in Xafiisyada dawlada loo kuur galo inay yihiin kuwo ka soo baxaya adeega shaqo ee ay hayaan.

Kulankan oo u furay madaxwaynaha Dawlad Degaanka Soomaalida waxaa uu si adag uu uga hadlay inuu kormeer uu dhawaan Xafiiska Madaxwaynuhu sameeyay uu ku ogaaday in xafiisyo badan ayna wakhtiyada shaqada ku sugnayn goobta shaqo. Waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in Xafiisyo badan ayna ku haboonayn inay sidan ku sii socdaan oo loo baahan yahay in isbadal degdeg ah ay la yimaadaan.

Waxaa uu Madaxwaybuhu sheegay inay baadhitaan ay laba maalmood kala sameeyeen ay ku ogaadeen in xafiisyo qaarkood aynaba xataa lahayn Taleefankii, ama aan la qabanaynin, ama cid jootaba ayna jirin. Isagoo tusaale u soo qaadanaya waxaa uu madaxwaynuhu yidhi "Xafiisyada aan taleefanku shaqaynaynin ama aan la qabanaynin hadii adeeg looga baahdo waxaa ka mid ah Xafiiska Cadaalada, Komishinka Asluubta, Xafiiska Haweenka, Xafiiska Arrimaha Bulshada, Xafiiska Arrimaha Shaqaalaha, Xafiiska Maalgalinta, ikk".

Isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu sheegay inay jiraan xafiisyo masuuladoodu ay labada goor ee la kormeeray laga waayay goobtii shaqo, "Xafiiska Biyaha Madaxu ma uuna soo galin, sidoo kale, Xafiiska Dhalinyarada, Cilmi Baadhista, Xafiiska Dakhliga oo isagu aan todobaadkan ba shaqada soo galin, Warfaafinta, Xafiiska Waxbarashada labada Ku xigeenba ma ayna joogin taleefankana lama qaaadayn , Xafiiska Caafimaadka taleefanka ma qaadaan, Wakaalada Enterpriseka intuu soo galay ayuu hadana baxay, machadyada Caafimaadka macalimiinta & Farsamada gacanta waa soo galis iyo way baxeen hadana".

Dhinaca kale, waxaa uu madaxwaynuhu hadalkiisa ku sheegay inuu labada goor la kulmay laba xafiis oo qudha oo lagu jiro oo kala ah Xafiiska Beeraha & Xafiiska Ka Hortaga masiibooyinka, halka kuwo badana ay mar qudha ku jireen.

Waxaa uu madaxwaynuhu sheegay in loo baahan yahay in isbadal la sameeyo, sidaa awgeed, waxaa dhamaan xubnihii kulankaa ka qayb galay ay madaxwaynaha hortiisa ku saxeexeen balanqaad ay ku qaadayaan inay hada wixii ka danbeeya ay si wayn u ixtiraami doonaan ilaalinta saacadaha shaqada, cidii ka soo bixi waydana talaabada ku haboon laga qaadanayo, oo aan loo aaba yeelaynin kan ayaa saaxiib la ah iyo kan ayaa wata.

 Xigasho Cakaaranews