Madaxwaynaha DDS, Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Gudoomiyaha Jaaliyada Degaanka Soomaalida ee Denmark, Mudane Dhuux Cabdi Cumar. Mudane Dhuux waxaa uu M/waynaha ugu hambalyeeyay xilka uu ummada u qaaday, isagoo u gudbiyay salaan kal iyo laab ah oo uu uga siday dhamaan xubnaha jaaliyaadka ee u dhashay degaanka ee ku nool dalka Denmark. Waxaa uu Mudane Dhuux uu sheegay in dedaal hor leh ay haatan xubnaha jaaliyaadku ugu jiraan sidii ay u maalgashan lahaayeeen Degaanka Soomaalida.
Dhinaca kale, waxaa uu Mudane Dhuux uu sheegay in bisha Agoust dalka Denmark lagu qaban doono kulan ay isugu iman doonaan dhamaan jaaliyaadka Degaanka Soomaalida ee ku nool dalka Denmark. Sidoo kale, Gudoomiyuhu wuxuu madaxwaynaha u sheegay in laba wafdi oo ka kala socda jaaliyaadka Denmark ay ku soo fool leeyihiin Degaanka Soomaalida
Xigasho: Cakaaranews
