WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  
srspresident.jpg

Wafti ballaadhan oo u hogaaminayo Madaxweynaha Dawlada Deegaanka Soomaalida, Mudane Cabdi Maxamud Cumar oo uu wehliyo Gudoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Shacbiga Soomaalida Itoopiya C/fataax Sh.C/laahi iyo Masuuliyiin heer Gobol iyo Degmo ah ayaa maanta soo gaadhay Magaaladan addis ababa. waftigan ayaa u yimid Magaaladan si ay uga qayb galaan Xafladda saxiixa heshiiska UWSLF iyo Dowladda Itoopiya oo barri ka dhici doonta Magaaladan Addis ababa.

heshiiskan ayaa ah mid taariikhi ah oo noociisa oo kale uusan horay uga dhicin Dalka Itoopiya marka laga reebo heshiiskii dhexmaray dalka sudan iyo koonfurta Sudan.

heshiiskan oo ay shacabka aad u sugayeen ayaa laga dareemayaa damaashaad iyo jawi farxadeed guud ahaan Magaaloouinka waaweyn ee Gobolka iyadoo ay hambalyadu iska soo daba dheceeyso dhamaan dunida dacaladeeda iyadoo hadalhayntiisu ay meel walba laga dareemayo.

waxaa sidoo kale laga dareemayaa dhamaan Jaaliyaadka Dibedda qabanqaabo weyn oo ay ku samynayaan shirar iyo banaanbaxyo lagu taagerayo Heshiiskan.

Eegga.com