WARARKII U DANBEEYAY
Tagged:  
DSC02739.jpg

Maanta waxaa hoteelka Ghion ee magaalada Addis Ababa, lagu qabtay xaflad ay heshiis nabadeed kukala saxiixdeen UWSLF & Dawlada Ethiopia. Xafladan oo ay qaban qaabadeedu in mudo ahba socotey, ayaa waxaa ka soo qayb galay masuuliyiin sar sare oo dawlada federaalka Ethiopia, Dawlada Deegaanka Soomalida, Safiiro & qurba joog u dhalatey deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Heshiiskan ayaa lagu soo afjarayaa dagaal 15 sano ka badan uu ururka UWSLF kula jirey dawlada Ethiopia, waxaana wixii hada ka danbeeya ujeedooyinkooda siyaasadeed ururkaasi ku raadsan doonaa qaab nabadeed. Dawlada Ethiopia waxaa heshiiskan qalinka ugu duugay, Dr. Shiferow Teklemariam oo ah wasiirka Arrimaha Federaalka, dhanka UWSLF-na waxaa u saxiixay gudoomiyaha, Sheekh Ibraahim dheere.

Tallaabadan ay qaateen ururka UWSLF ayaa ah mid geesinimo ku dheehantahey oo u danayneysa shacabka deegaanka Soomaaliyeed, oo iyago aad u soo dhaweeyay. Heshiis kan lamid ah oo dhex mari doona ONLF iyo dawlada Ethiopia ayaa abaabulkisii ka socdaa gobollada deegaanka Soomaalida, waxaana la filayaa inuu soo afjari doono daganaansho la’aantii ka jirtey deegaanka.

Eegga.com

Addis Ababa